#Tixda Maan-dhis
------------------------
Maxamedow sideedaba
Dadku muunad kala duwan
Kala mudan ayaamuhu
Taynu maanta joognaa
Macnaheedu farabadan ‼️
Tixdaan maandhis lagu yiri
Meel walbaba ka eegoo
Kala garo macnaha Oo
Caqligaaga miisaanoo
Maxay tahay u jeedadu⁉️
Dunidaan mudnaantii
Manfacaad lasiiyee
Mabda'eedu maal yahay
Muuquna wanaag yahay
Miyeydaan ogsooneyn ⁉️
Muran iyo isjiidjiid
Ila meerayso joogtaa
Iyo mayee beenti weeyaan
Aan markhaati loo noqon
Miyeydaan ogsooneyn ⁉️
Macna male miduu yiri
Taydaa ka maan roon
Iyo ma adaa i maamulin
Iyo waan ka mug waynahay
Miyeydaan ogsooneyn ⁉️
Labo murantayoo dirirtay
Maxkamadina dhextaagnayn
Mabda' lagu heshiiyiyo
Marjic loo noqdaa jirin
Miyeydaan ogsooneyn ⁉️
Hawraar macaan iyo
Hadal maanka lagu dhaco
Oo marin habaabo ah
Markay madal idlaataana
Muska oodda lagu rido
Miyeydaan ogsooneyn⁉️
Markay dani timaadiyo
Markay doonayaan ruux
Ololiyo mashxarad guud
Macnihiisa gaarka
Midna aan ogsoonayn
Miyeydaan ogsooneyn⁉️
Meelo dhagaxdhigoodii
Iyo mashaariic la daahfuray
Mdina aan la fulinoo
Macnuhuba sawirka yahay
Miyeydaan ogsooneyn⁉️
Muruq-maal dhulkiisii
Macaawino ka doontoo
Buul qaxooti meygaagsan
Sharciguna mudnaan siin
Miyeydaan ogsooneyn⁉️
Dhalinyara malaayiin ah
Weligoodna meel marin
Badahaas ku miriq yiri
Macno aan ku dhoofayn
Miyeydaan ogsooneyn⁉️
Macdantaan bannaankiyo
Taalla Meel walbood eegto
Marti inaan ka nahay heedhe
Haddaan maanku kala saarin
Miyeydaan ogsooneyn⁉️
Arday wada musharaxanoo
Ka baxay meelo farabadan
Hadana aan mid qura kullood
Hal masalo ammaamudin
Miyeydaan ogsooneyn⁉️
Dadkaan garan maqaamkood
Ama aan is maamulin
Madasheed shisheeyuhu
Inuu gacan ku maamulin
Ama Garab ku maarayn
Miyeydaan ogsooneyn⁉️
Ummad magaca guud iyo
Midabka iyo haybtiyo
Meerisyada afkoodiyo
Mabda'ooda hoosaad iyo
Diintood mid qura tahay
Isku milanku caan yahay
Cashiiradu mug weyntay
Aan calaf ku kala maarmin
Marashidu cuddoontahay
Hadan aan midaysnayn‼️
Miyeydaan ogsooneyn⁉️
Qaramada midoobiyo
Isbahaysi maqalnaye
Middi labo afley iyo
Inay tahay maxaad kulul
Miyeydaan ogsooneyn⁉️
Doollarkaan mudnaantiyo
musharfka aad wada siiseen
Iyo magacyada jamhuuriyadaysan
Meesha ay ka yimaadeen
Miyeydaan ogsooneyn⁉️
Maankiina furo Oo
Noqda mufakariinoo
Ummad yahay maleegani ‼️
Waa su'aal muhiimee
Meeshee ka socotaan ⁉️
Se meeshee ku socotaan ⁉️
---------------------------------
Tixda maan-dhis
Qalinkii iyo curintii :
Bashiir jaamac muuse (Toosane)
Taariikh 16 August 2020
No comments:
Post a Comment