Search This Blog

Tuesday, May 2, 2023

Maansada maandhis

 #Tixda Maan-dhis

------------------------


Maxamedow sideedaba 

Dadku muunad kala duwan

Kala mudan ayaamuhu 

Taynu maanta joognaa 

Macnaheedu farabadan ‼️


Tixdaan maandhis lagu yiri

Meel walbaba  ka eegoo 

Kala garo macnaha Oo 

Caqligaaga miisaanoo

Maxay tahay u jeedadu⁉️


Dunidaan mudnaantii

Manfacaad lasiiyee 

Mabda'eedu maal yahay

Muuquna wanaag yahay

Miyeydaan ogsooneyn ⁉️


Muran iyo isjiidjiid 

Ila meerayso joogtaa 

Iyo mayee beenti weeyaan 

Aan markhaati loo noqon

Miyeydaan ogsooneyn ⁉️


Macna male miduu yiri 

Taydaa ka maan roon

Iyo ma adaa i maamulin 

Iyo waan ka  mug waynahay 

Miyeydaan ogsooneyn ⁉️


Labo murantayoo dirirtay 

Maxkamadina dhextaagnayn

Mabda' lagu heshiiyiyo

Marjic loo noqdaa jirin 

Miyeydaan ogsooneyn ⁉️


Hawraar macaan iyo

Hadal maanka lagu dhaco 

Oo marin habaabo ah

Markay madal idlaataana

Muska oodda lagu rido 

Miyeydaan ogsooneyn⁉️


Markay dani timaadiyo 

Markay doonayaan ruux

Ololiyo mashxarad guud 

Macnihiisa gaarka 

Midna aan ogsoonayn

Miyeydaan  ogsooneyn⁉️


Meelo dhagaxdhigoodii

Iyo mashaariic la daahfuray 

Mdina aan la fulinoo 

Macnuhuba sawirka yahay

Miyeydaan ogsooneyn⁉️


Muruq-maal dhulkiisii 

Macaawino ka doontoo 

Buul qaxooti meygaagsan 

Sharciguna mudnaan siin 

Miyeydaan ogsooneyn⁉️


Dhalinyara malaayiin ah 

Weligoodna meel marin

Badahaas ku miriq yiri 

Macno aan ku dhoofayn 

Miyeydaan ogsooneyn⁉️


Macdantaan bannaankiyo 

Taalla Meel walbood eegto

Marti inaan ka nahay heedhe

Haddaan maanku kala saarin 

Miyeydaan ogsooneyn⁉️


Arday wada musharaxanoo 

Ka baxay meelo farabadan 

Hadana aan mid qura kullood

Hal masalo ammaamudin

Miyeydaan ogsooneyn⁉️


Dadkaan garan maqaamkood 

Ama aan is maamulin

Madasheed shisheeyuhu

Inuu gacan ku maamulin

Ama Garab ku  maarayn 

Miyeydaan ogsooneyn⁉️


Ummad magaca guud iyo 

Midabka iyo haybtiyo 

Meerisyada afkoodiyo 

Mabda'ooda hoosaad iyo 

Diintood mid qura tahay


Isku milanku caan yahay

Cashiiradu mug weyntay

Aan calaf ku kala maarmin

Marashidu cuddoontahay 

Hadan aan midaysnayn‼️

Miyeydaan ogsooneyn⁉️


Qaramada midoobiyo

Isbahaysi maqalnaye 

Middi labo afley iyo

Inay tahay maxaad kulul 

Miyeydaan ogsooneyn⁉️


Doollarkaan mudnaantiyo

musharfka aad wada siiseen 

Iyo magacyada jamhuuriyadaysan

Meesha ay ka yimaadeen 

Miyeydaan ogsooneyn⁉️


Maankiina furo Oo 

Noqda mufakariinoo 

Ummad yahay maleegani ‼️

Waa su'aal muhiimee 

Meeshee ka socotaan ⁉️

Se meeshee ku socotaan ⁉️


---------------------------------

Tixda maan-dhis

Qalinkii iyo curintii :

Bashiir jaamac muuse (Toosane)

Taariikh 16 August 2020

Sunday, September 4, 2022

Maansada dhakafaar

 Dhaldhalaalka dunidaan 

Ninaan dhinacna eegaynoo 

Cidla dhaafsadaan hayeey 


Nin dhamaalkii loo diraba 

Dhagaahaas u raaracinoo

Dhakafaar noqdaan ahayey



Dhalintu miday ka quusteeno 

Dhalashiyo xigaal diidoo 

Dhab warkiis yahaan ahayey


Nin caashaqu Mar hore dhooho

Dhulka iyo cirkaba geeyoo 

Bad kusoo dhacaan ahayeey 


Dhowr sano nin dhaaminayoo

Dhabbo cidlaa ku gooshahayoo 

Dhibic keenin baan ahayeey


-------------------------------------

Maansada: dhakafaar 

30-07-2022

Qalinkii iyo curintii 


Bashir toosane

Maansada maandhis

 #Tixda Maan-dhis ------------------------ Maxamedow sideedaba  Dadku muunad kala duwan Kala mudan ayaamuhu  Taynu maanta joognaa  Macnaheed...